Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari ku Dhintay Weerar Kale oo Boosaaso Ka Dhacay


Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ka dhacay laba qarax oo is-xig-xiga kuwaasi oo lala bar-tilmaameedsaday ciidamada amniga.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay labadan qarax sida ay sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo dhinaca amniga ah.

Weerarrada maanta ayaa xigay weerar kale oo loo adeegsaday bambooyin iyo rasaas oo xalay maleeshiyaad ay ku qaadeen saldhigga booliiska ee magaalada Boosaaso. Saddex askari ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi oo uu ka mid yahay taliye xigeenkii sakdhigga.

Weriyaha VOA, Fadumo Yasin Jamaac ayaa arrintan waxay waraysi kala soo yeelatay taliyaha qaybta booliska gobolka Bari, Korneel Cabdixakiin Yuusuf Xuseen.

Weerar Boosaso ka dhacay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:48 0:00

XS
SM
MD
LG