Maxakamada Caalamiga ee Cadaalada ICJ ee magaalada Hague ayaa shalay madaxweyne u dooratay Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ah garsoore ka soo jeeda dalka Somalia.
Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadaba ayaa si weyn u soo dhaweeyay doorashada garsoore Cabdulqawii, iyagoo sheegay inay magac iyo sharaf weynba u tahay dadka Soomaalida.
Doorashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maxkamadda ay qaadayso dacwad u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya oo ku muransan soohdinta dhinaca badda ee ka dhaxeysa. Haddaba doorashada Abdulqawi, ahmiyad nooce ah ayay u leedahay Soomaalida, sideyna u saameynaysaa kiiska muranka dhinaca badda ee Kenya iyo Somalia.
Su’aallahaasi ayaa Maxamed Cabdi Xasan wuxuu weydiiyay Instisaar Ali Fidhin, oo ah garyaqaan joogta magaalada Houston ee gobolka Texas.
Facebook Forum