Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta Ka-hortagga Gudniinka Fircooniga oo Laga Xusey Soomaaliya


Maanta oo kale, lixda bisha Febaraayo, sanad walba dunida waxaa loo asteeyay maalinta ka hortagga iyo la dagaalanka gudniinka fircooniga.

Soomaaliya waxey ka mid tahay waddama gudniinka fircooniga uu dhaqanka ka mid yahay.

Sanadkan ayaa markii ugu horeysay ay dhalin-yaro u badan wiilal waxaa ay wadaan wacyi galin looga gol leeyahay ka hor tagidda gudniinka fircooniga.

Dhalin-yaradaasi waxa ka mid ah kuwa ku bahoobey ururka Jooji Gudniinka Fircooniga, waxayna Mudqisho ku qabteen kulan wacyigalineed.

Xuseen Maxamed Xuseen oo ka mid ah dhalinyaradan, ayuu waramay Sahra Cabdi Axmed.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:59 0:00

Dhinaca kale, Somaliland ayaa go'aanno kasoo saartay gudniinka fircooniga ee lagula kaco hablaha yar-yar.

Go’aannadan ayaa wasaaradda diintu kaga dhawaaqday xuska maalinta ka hor-tagga gudniinka fircooniga oo lagu qabtay magaalada Hargeysa. Sagal Mustafe ayaa warbixintan soo dirtay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:28 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG