Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Philadelphia Eagles oo Ku Guuleystay Koobka NLF-ka Mareykanka


Eagles Patriots Super Bowl Football

Kooxda Philadelphia Eagles ayaa marki ugu horreysay ku guuleysatay koobka National Football League ee dalkan Mareykanka, kadib marki ay ciyaarta kama danbeysta ah ee loo yaqaano Super Bowl ay xalay ku garaacday kooxda New England Patriots.

Ciyaarti finalka ee Super Bowl oo xalay ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxaa 41-33 ku badisay kooxda Philadelphia Eagles.

Finalki xalay ayaa ahaa kii 52-aad ee tartanka ciyaaraha NLF-ka dalka Mareykanka.

Kooxda Eagles ayaa laba jeer oo hore soo gaartay finalka. Sannadki 1981-ki ayaa waxaa ciyaarti kama danbeysta aheyd ka badisay kooxda Oakland Raiders, halka sannadki 2005 ay ku lumisay Super Bowl-ka kooxda New England.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG