Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Hoggaanka Xisbiga Wadajir oo Muddo Kooban La Xiray.


Muqdisho
Muqdisho

Kamal Dahir Xasan, Gutaale, guddoomiyaha xisbiga Wadajir, iyo xogyaha xisbigaasi Sayid Cali Macalin ayaa la siidaayay, kadib markii muddo saacaddo ah lagu xiray magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta ayaa goor hore laga qabtay gudaha Hotel Maka Al-Mukarramah, halkaasi oo ay ka kaxeysteen ciidamo.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in ciidamada siyaasiyiinta kaxeysteen ay ka tirsan yihiin ciidanka nabad-sugida dowladda Somalia.

Dowladda Somalia ayaan iyadu wax war ah ka soo saarin xariga kooban ee xubnaha xisbiga Wadajir.

Xisbiga Wadajir waxaa ka tirsan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo bishii December ay dowladdu maalmo xirtay, kadib markii ciidanka nabadsugidu ay ka soo qabteen gurigiisa, iyadoo weerarkaasi ay ku dhinteen 4 ka tirsanaa ilaaladiisa.

XS
SM
MD
LG