Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga: Mushaharka Shaqaalaha oo la Kordhinayo.


Amarkan boqorka ee lacagaha gunnooyinka lagu siinayo shaqaalaha dawladda ayaa yimid maalmo ka dib markii dawladdu ay sheegtay in cashuuro la saari doono badeecadaha qaarkood, iyada oo sidoo kalena la joojinayo kabiddii ay dawladdu kabi jirtay shiidaalka.

Boqorka ayaa amray in bishiiba shaqaalaha dawladda gunno ahaan loo siiyo kun Riyal oo u dhiganta 267 dollar.

Dawladda ayaa sheegtay in talaabadan ay u qaadday si ay muwaadiinta culeyska uga yareyso, ka dib markii sicirka badeecadaha qaarkood uu sare u kacay, xilli ay dawladdu ka shaqeynayso dib u qaabeynta dhaqaalaha dalka, maaddaama qiimaha saliidda ee dunidu uu hoos u dhacay.

Wareegtooyin boqortooyo oo dhowr ah oo soo baxay Sabtadii ayaa lagu sheegay in ciidama ka dagaalamaya dalka Yemen la siiyo 5 kun oo riyal oo u dhiganta 1,333 dollar, iyada oo dadka hawlgabka ah iyo kuwa qaata gunada damaanadda bulshana sanadkiiba la siin doono 5 boqol oo riyal oo u dhiganta 133 dollar.

Lacagaha ardayda la siiyo ee billaha ah ayaa kor loo qaadi doonaa, iyada oo dawladduna ay dhabarka u ridan doonto cashuuraha la saaro adeegyada qaarkood. Dawladdu waxa kale oo ay bixin doontaa cashuurtii la saari lahaa guryaha la iibsanayo ee qiimahoodu yahay 850 kun oo riyal oo u dhiganta 226, 600 oo dollar. Boqorka ayaa sidoo amray in mushaharka qaalaha dawladda la bixiyo ka hor inta aan lacagta korontada guriga la soo dallacan.

1dii bishan January ayaa dawladdu ay soo rogtay cashuur dhan 5%, taas oo la saarayo badeecadaha iyo adeegyada, talaabadaas oo qor u qaadaysa qiimaha korontada, isla markaana yareynaysa kabadii shiidaalka, arrintaan oo labanlaab ka dhigeysa qiimaha bansiinka.

Fariin dhinaca twitterka ah oo toddobaadkan wareegaysay ayaa abuurtay kumanaan fariimod oo kale oo ka cabanaya mushaharka oo hooseeya, isla maraanan aan ku filneyn nolosha. Fariin taas la mid ah oo sanad ka hor socotay ayaa keentay in dawladdu ay ka noqoto joojinta gunooyinka qaar ay ku sameysay. Dadka dalkaas ayaa xiligaas is-barbardhig ku sameeyey Sucuudiga iyo dalalka kale ee Gacanka sida Isutagga Imaaraadka iyo Qatar oo mushaharka shaqaalaha dawladahaasi uu aad uga sareeyey kuwa Sucuudiga.

Dalwadda Sucuudiga ayaase dhawaaan dejisay hanaan taakulo oo ay helayaan qiyaastii 3 milyan oo qoys, ayna ka faa’iideysanyaan dad gaaraya 10.6 milyan oo qof oo ah kala bar tirada dadka Sucuudiga.

Dhageyso Cashuuraha Sucuudiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:55 0:00

Khasnadda dawladda ee sanadkan ee 2018 ayaa dawladdu ay u qoondeysay lacag dhan 8.5 bilyan oo dollar, taas oo ay muwaadintiinteeda ku caawinayso.

XS
SM
MD
LG