Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Buula-Burde: Askari AMISOM ka Tirsan oo Qarax ku Dhintay


Askari ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa maanta lagu dilay qarax ka dhacay duleedka bari ee degmada Buulo-Burde ee bartamaha Soomaaliya.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, lala eegtay ciidanka Jabuuto xilli ay howlgal baaritaanno ah halkaasi ka wadeen.

Guddoomiyaha Buula-Burde, Cabdi Daahir Guure ayaa VOA u xaqiijiyay in qaraxan ay sidoo kale ku dhaawacmeen saddex askari oo mid uu Jabuutiyan yahay, halka ay labada kale ka tirsan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waa askarigii labaad ee ka tirsan ciidanka Jabuuti ee lagu dilo degmada Buula-Burde muddo ka yar laba toddobaad.

XS
SM
MD
LG