Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo ku hajnabay in gar gaarka lacageed uu ka jari doono Falastiiniyiinta


WASHINGTON — Kadib markii uu garowsaday in isku deygiisa ahaa in uu nabad ka dhex dhaliyo bariga dhexe uu meel gebi ah ka dhacayo, ayuu madaxweyne Donald Trump, waxa uu Taladadii ku hanjabay in uu jari doono lacagaha gar-gaarka ah ee uu Mareykanku siiyo maamulka Falastiiniyiinta.

Waxa uu is weydiiyay Trump sababta uu Mareykankanka lacago u siiyo Falastiiniyiinta oo uu ku sheegey kuwo aanan rabin in ay galaan wada hadal nabdeed.

Trump ayaa dhowr tweet oo uu soo qorey ku sheegey: "Mareykanka waxa uu Falastiiniyiinta siiyaa boqollaal mliyan oo doollar sanadkii, mana ka helaan mahad noq iyo karaameyn."

"Xitaa ma rabaan inay wada xaajoodyadii daba dheeraaday ee nabadda la galaan Israel," ayuu Trump qorey.

Trump, ayaa ka careysiiyay Falastiiniyiinta iyo Muslimiinta dunida oo idil, kadib markii uu sanadkii hore ku dhawaaqay in uu u aqoonsaday magaalada Quddus caasimadda Isreal.

XS
SM
MD
LG