Dhallin-yarada iyo shacabka Somaliland ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay tallaabooyin ay ciidamada booliisku saddexdii maalmood ee u dambeeyay timaha kaga xiirayaan dhallin-yarada magaalada Hargeysa.
Ciidamada booliska ayaa qab qabanayay dhallin yaradu filaynin suuqyada dhexdooda kaga xiirayay timaha, iyagoo sabab uga dhigay inay u xiirtaan hab aan dhaqanka waafaq-sanayn. Inkastoo ay dhallin-yaro badani arrintan dhibbane u yihiin, haddana, ciidamada booliiska ayaa markii dambe raalli gelin ka bixiyay tallaabadan.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.
Facebook Forum