Isku xirrada

Qarax dhimasho iyo dhaawac keenay oo askarta AMISOM lagula beegsaday Buulaburde


Warka naga soo gaaraya magaalada Buuloburte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in hal askari oo ciidamada Amisom ka tirsan lagu dilay, mid kalana lagu dhaawacay, ka dib markii qarax miino ay haleeshay gaari ay lahaayeen ciidamdaasi.

Qaraxa ayaa barqanimadii Khamiista ka dhacay bannaanka hore ee garoonka diyaaradaha magaaladasi, wax yar ka hor intii aanu garoonka ka dagin, diyaar rakaab sidday oo ka duushay magaalada Baladweyne.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha VOA, qaraxan oo khasaare ka soo gaaray askarta Jabuuti ee AMISOM, waxa xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Buuloburte, Cabdi Daahir Guure, oo dhaawaca iyo meydka goobta ka soo qaaday.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in miinada lagu xiray geed dushiisa, oo markii gaari ciidan la hoos dhigayna ay goobta kula qaraxday.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG