Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka Uganda oo Ansixiyay Sharci Cusub


Mudanayaasha baaralamaanka Uganda oo doodadaya, Kampala, Uganda, Sept. 21, 2017.
Mudanayaasha baaralamaanka Uganda oo doodadaya, Kampala, Uganda, Sept. 21, 2017.

Baarlamaanka dalka Uganda ayaa aglabiyad xoog leh ku ansixiyay sharci meesha ka saaraya xaddidaada da,da musharaxiinta doorashada madaxweynaha, taasoo waddada u xaareysa in mid ka mid ah madaxweynayaasha Africa ugu muddada dheer uu Uganda sii xakumo ilaa 2031-ka.

Mudanayaasha baarlamaanka Uganda ayaa wax ka baddalay dastuurka waddankaasi oo dhigayay qof walba oo ka yar da,da 35 sano ama ka weyn 75 aanu u tartami karin doorashada madaxweynaha.

Sharcigan ayaa dhaqangalaya marka uu madaxweyne Yoweri Museveni oo 73 jir ah uu qalinka ku doogo.

XS
SM
MD
LG