Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waa Sidee Xaalada Muhaajiriinta Soomaalida ee Yurub iyo Libya


UN Migration Agency staff assist Somali, Ethiopian migrants who were forced into the sea by smugglers.
UN Migration Agency staff assist Somali, Ethiopian migrants who were forced into the sea by smugglers.

Iyadoo maanta dunida laga xusay maalinta caalamiga ah ee muhaajiriinta, ayaa waxa meelo badan oo caalamka ah ku dhibaateysan muhaajiriin Soomaali ah.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay in ka badan 244 milyan oo qof ayaa qaxootinimo ugu nool wadamo kale.

Meelaha ay hadda ku noolyihiin muhaajiriinta Soomaaliyeed ee aanan wali helin aqoonsiga qaxootinimo, ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah dalal ku yaalla Yurub iyo dalka Libya.

Dadka Libya ku dhibaateysan oo hadafkoodu yahay inay Libya uga sii gudbaan Yurub iyagoo hiigsanaya nolol ka duwan tii ay ku heysteen dalalkooda, waxaa hadda dadaal lagu samatabixinayo wada Dowlada Soomaaliya oo kaashaneysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Wariyeheenna Nuur Xassan Nuur Bukhaari, ayaa xaaladooda ka wareystay , Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Ambassador Cali Saciid Faqi oo si dhow ula socday, ugu horeyna waxa uu weydiiyay xaalka qaxootiga Somalida ee Yurub.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Amb. Faqi
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:12 0:00

Dhinaca kalana, wariyeheenna Ibrahim Xassan Dandurey ayaa khadka telefoonka ku wareystay mid ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee nolol raadiska ah.

Cabdikarim Maxamed Maxamuud (Qoor Gaab), oo ka mid ah Tahriibayaal Soomaaliyeed, ayaa ugu horreyn ka hadlaya halka uu ku suganyahay.

Halkaan ka dhageyso wareysiga wiilka qaxootiga ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:16 0:00

XS
SM
MD
LG