Isku xirrada

Wariye Boqorka Bartamaha oo Muqdisho Gaaray


Wariye Boqorka Bartamaha

Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaaray wariye Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Bartamaha) oo muddo ka badan 4 sano ku xirnaa xabsi ku yaala dalka Ethiopia.

Maxkamad ku taalla dalka Ethiopia, ayaa Maxamed Aweys Muudey ku xakuntay 25 oo xabsi ah, balse dadaal dheer oo ay u gashay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu danbeynti suurta geliyay in lasoo daayo.

Boroka Bartamaha ayaa lagu eedeeyay inuu galay dambi culus oo lid ku ah dowladda Ethipia xilli uu ku sugnaa dalkaasi, wallow aan dambigaasi la carrab dhabin.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay Boqorka Bartamaha inuu si nabad ah ku tagay Muqdisho. Wuxuu uga mahadceliyay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, in ay dadaal u galeen sii deyntiisa.

Boqorka Bartamaha ayaa ka mid ah wariyaasha caanka ah ee Soomaaliya.


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG