Kooxda Napoli ayaa hogaanka kala wareegtay Inter Milan, kadib marki ay 3-1 uga awood roonaatay Torino.
Goolasha waxaa kala qeybsaday Kalidou Koulibaly, Piotr Zielinski iyo kabtanka kooxda Darek Hamshik oo dhaliyay goolkiisii 115-aad. Hamshik wuxuu bareejeeyay diiwaankii gooldhalinta Naopli ee uu horay u dhigay halyeeygi hore ee kooxdani Napoli Diego Maradona.
Goolka kaliyah ee Torino waxaa saxiixay Andrea Belotti. Dhinaca kalana kooxda Inter ayaa soo xareysay guuldarradi ugu horreysay ee horyaalka Talyaaniga kasoo gaarto xilli ciyaareedkan, kadib marki ay 3-1 ku lumisay Udinese.
Ciyaar goor dhaweyd soo gaba gabowday oo u dhaxeysay AC Milan iyo hellas Verona, waxaa 3-0 ku badisay kooxda Hellas Verona.Roma-na waxay 1-0 ku dubatay Cagliari.
Horyaalka Serie A-da waxaa 42 dhicbood ku hogaamineysa Napoli, waxaa ku xigta Inter oo leh 40 buundo. Juventus oo goordhaw la ciyaari doonta Bologna waxay ku jirtaa kaalinta sadexaad waxaana ay leedahay 38 dhibid.
Facebook Forum