Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Hakinaya Gargaarka uu Siiyo Ciidanka Soomaaliya


FILE -Wasiirki hore ee difaaca Somalia Abdirashid Abdulahi Mohamed, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isulwasare Khaire oo ka qeybgalaya munaasabadi 57-guuradi maalinta xorriyada. Mogadishu, April 12, 2017.(AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa VOA-da u xaqiijiyay, in Mareykanka uu hakinayo gargaarki uu siin jiray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.


Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay go,ankan qaadatay kadib marki ay saraakiisha milatariga Soomaaliya marar badan ku guuldarreysteen isla xisaabtanka gargaarka lagu taakuleeyo ciidanka, sida cuntada, shidaalka iyo hubka.

Waxa kale oo uu Mareykanku sheegay in hakintani ay qeyb ka tahay sidii loo xaqiijin lahaa in kaalmada la siin jiray ciidanka Soomaaliya loo isticmaalay sidi loogu tala galay.

Dokuminti ay faafisay wakaalada wararka Reuters ayaa lagu sheegay,a in hogaanka milatariga Soomaaliya uu ku guuldareystay inuu si sax ah u bixiyo cuntada, qalabka iyo mushaarka ciidamada, xilli dowlada Mareykanka ay ku taageerto ciidamada Soomaaliya boqollaal milyan oo doolar.

Warbixin arrintan ku saabsan waxaa noo diyaariyay, Xuseyn Barre Aden.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:23 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG