Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dortmund oo Eriday Macallin Bosz Kuna Badashay Stoeger


Peter Stoeger, tababaraha cusub ee Dortmund
Peter Stoeger, tababaraha cusub ee Dortmund

Kooxda Borussia Dortmund ayaa ceryrisay tababaraheedii Peter Bosz kadib marki ay kooxda deris la noqotay guuldarrooyin hoos u dhigay.

Macallinkan ayaa xilkiisa waayay kadib todobo bilood oo uu kooxda leylinayay, waxaana si kumeel gaar ah booskiisa loogu magacaabay tababarihi hore ee kooxda Cologne Peter Stoger.

Bosz ayaa xagaagi hore ku biiray Dortmun, kadib marki uu kooxda Ajax gaarsiiyay finalka Europa League sanadkaan. Laakin hadda saameyn badan kuma yeelan kooxda Dortmund oo hadda kaalinta todobaad kaga jirta horyaalka Jarmalka.

Dhawaan waxay kasoo hareen koobka horyaalada Yurub, balse hadda waxay ku jiraan tartanka Yuruba Liig.

XS
SM
MD
LG