Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudaaharaadyo Rabshado Watay oo Ka Dhacay Lubnaan


Lebanese and Palestinians students burn a poster of U.S. President Donald Trump as they take part in a protest, in the southern port city of Sidon, Lebanon, Dec. 7, 2017.
Lebanese and Palestinians students burn a poster of U.S. President Donald Trump as they take part in a protest, in the southern port city of Sidon, Lebanon, Dec. 7, 2017.

Ciidamada amaanka dalka Lubnan ayaa u adeegsaday suntan dadka ka ilmeysiisa iyo tubooyinka biyaha tuura, dad badan oo Axadii maanta isugu soo baxay agagaarka safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay magaalada Beyruud.

Mudaaharaadayaasha ayaa ka careysnaa go,aanki uu madaxweyne Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel.

Dadka isu soo baxay ayaa ruxayay calanka Falastiin, qaarkood ayaa dab qabasiiyay wadooyinka isla markaana xiray jidka aada safaarada Mareykanka ee xaafadda Awkar ee waqooyiga Beyrud.

Sabtidii shalayna, wasiirada arrimaha dibada dalalka Carabta ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Qaihor waxay ugu baaqeen Mareykanka inuu ka laabto go,aanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel.

XS
SM
MD
LG