Isku xirrada

Ronaldo oo Dhigay Taariikh Kale


Cristiano Ronaldo (Twitter/ @realmadriden)

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa dhigay taariikh kale oo cusub oo koobka kooxaha Yurub ah.

Xidigaan u dashay dalka Portugal ayaa noqday laacibki ugu horreeyay oo kooxda Real Madrid gool u dhaliyay dhamaan kulamadi ay ciyaartay wareega koowaad ee koobka Kooxaha Horyaalada Yurub.

Ronaldo, ayaa dhaliyay gool ciyaarti ay xalay kooxda Real 3-2 uga badisay naadiya Borussia Dortmund. Goolkaasi ayaa noqonaya kii 114-aad ee uu ka dhaliyo koobka Champions League.

Real oo usoo baxday wareega 16-ka ayaa wajaheysa kooxo adag marka la sameeyo isku aadka. Kooxaha laga yaabo in ay ku dhacdo ayaa waxaa ka mid ah Roma, Besiktas, Paris St-Germain, Manchester City, Manchester United iyo Liverpool.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG