Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Netanyahu: Dalal kale ayaa raaci doona go'aanka Mareykanka


 Benjamin Netanyahu c
Benjamin Netanyahu c

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuusan shaki ka qabin in dalal kale ay raaci doonaan Mareykanka, ayaga oo Jerusalem u aqoonsanaya caasimadda Israel, islamarkaana marka safaaradda Mareykanka loo raro halkaas, ay sidoo kale kuwooda u rari doonaan.

Netanyahu ayaa sheegay in dowladdiisa ay xiriiro la sameyneyso dalal kale, hase yeeshee ma uusan magacaabin kuwa ay yihiin.

Milatariga Israel ayaa maanta ku dhaawaqay ciidamo dheeraad ah oo la geeyey Daanta Galbeed, ayada oo la isku diyaarinayo rabshado halkaas ka dhici kara.

Go’aanka Trump ayaa beddelay siyaasad sanado badan u daganeyd Mareykanka oo ku aadan Jerusalem, waxaya horudhac u tahay in safaaradda Mareykanka laga raro Tel Aviv oo la geeyo Jerusalem.

Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas ayaa sheegay in tallaabada Trump ay la macno tahay ayada oo Mareykanka uu ka baxay doorkii dhexdhexaadnimo ee nabadda bariga dhexe.

Sidoo kale hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh ayaa ku baaqay kacdoon cusub oo Falastiiniyiinta ay uga soo horjeedaan Israel, kaasi oo billaabanaya Jimcaha.

XS
SM
MD
LG