Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo baddalaya Rex Tillerson


Donald Trump iyo Rex Tillerson.
Donald Trump iyo Rex Tillerson.

Waxaa sii xoogeysanaya warka sheegaya in Madaxweynaha Mareykanak Donald Trump uu todobaadyada soo socda beddeli doono Xoghayah Arrimaha Dibadda Rex Tillerson.

Madaxweyne Trump ayaa Khamiisti beeniyay inuu shaqada ka eryayo Tillerson, kadib marki ay soo baxeen warar sheegayay in uu qorsheynayo in madaxa Hey’ada CIA-da Mike Pompeo uu ka dhigayo wasiirka arrimaha dibadda.

Qaar ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Mareykanka ayaa ku warramay in xiriirka madaxweyne Trump iyo xoghayahiisa arrimaha dibadda Tillerson uu xumaaday sanadki hore, sidaasi daraadeed uu ku badalayo madaxa CIA-da oo ah nin uu xiriir wanaagsani kala dhaxeeyo madaxweynaha.

Senatar-ka xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto gobolka Arkansa Tom Cotton, oo ka mid ah dadka sida aadka ah ugu dhaw Trump ayaa la sheegay in laga dhigi doono madaxa hey’ada CIA-da.

XS
SM
MD
LG