Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo tallaabo ka qaadaya Korea-da Waqooyi


Donald Trump
Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in cunaqabateyn dheeraad ah la saari doono Kuuriyada Waqooyi, kadib markii ay Pyongyang aroornimadi hore ee saakay tijaabisay gantaal ay khubarradu ku tilmaameen inuu gaari karo meel walba oo ka mid ah Mareykanka.

Qoraal uu soo dhigay maanta bartiisa twitter-ka, ayuu ku sheegay Trump inuu madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping kala hadlay waxa uu ku tilmaamay ficilada daandaansiga ah ee Kuuriyada Waqooyi. Waxuu wacad ku maray in xaaladda ay maareyn doonaan.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in ay Arbacadi maanta tijaabisay gantaal xambaari kara madaxyada niyukleerka, kaasoo awoodi kara inuu gaaro meel walba oo ka mid ah Mareykanka.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa saacadaha soo socda leh kulan deg deg ah oo ay uga hadli doonaan gantaalka cusub ee ay Kuuriyada Waqooyi maanta tijaabisay.

XS
SM
MD
LG