Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo sugaya in Mareykanku oofiyo ballantii uu qaaday


Wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu
Wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu

Saraakiil ka tirsan dawladda Turkiga ayaa sheegay inay eegayaan in Maraykanku uu ka soo baxo ballantii uu Madaxweynaha Maraykanka DonaldTrump la galay dhiggiisa Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ee ahayd in Maraykanku uu joojinayo hubka uu siiyo maleeshiyada Kurdiga ah.

Kooxdan ayaa kaalin ka qaadatay in laga guuleysto ururka ISIS ee dalka Suuriya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ballantan labada dal wada galeen ka sheegay shir jar’aaid muddo ka yar ka dib markii labada madaxweyne ay telefonka ku wada hadleen maalintii Jimcihii.

Wasiir Cavusoglu ayaa yiri Madaxweyne Trump waxa uu si cad u sheegay in uu amar cad bixiyey, kaas oo ah ururka Kurdiga Suuriya ee YPG aan wax hub ah la siin doonin, arrintan maalaa yacniga ahina ay ahayd in muddo dheer ka hor joogsato. Wakaaladda AP ayaa hadalkan wasiirka arirmaha Dibadda Turkiga qortay.

XS
SM
MD
LG