Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mugabe oo wajahaya xil ka qaadis isaga oo diiday inuu iscasilo


Robert Mugabe
Robert Mugabe

Hoggaamiyaha muddada fog ee dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa iska dhego tiray waqtigii loo qaabtay ee ahaa inuu 12-ka duhurnimo ee maanta xilka ka dego ama uu wajaho xil ka qaadis.

Mugabe ayaa khudbad uu isniintii jeediyey ku caddeysay inuusan damacsaneyn inuu is-casilo.

Malaayiin qof ayaa axaddii shiday taleefishinada iyo raadiyaha ayaga oo rajeynaya iay u dabaal degaan dhammaadka 37 sano oo xukunka Mugabe ah.

Hase yeeshee waa ay niyad jabeen – Waxaana qaarkood ay la ilmeeyeen markii ay maqleen Mugabe oo sheegaya iuu guddoomin doono shirka xizbiga ZANU-PF ee bisha soo socota.

Mugabe marnaba kuma dhawaaqin ereyga is-casilaad, umana muuqan inuu si dhab ah u qaatay faro-gelinta ay milatariga ku sameeyee xasaradaha siyaasadeed ee dalkaas.

Kulan ay axadii ku yeesheen magaalada Harare ee caasimadda Zimbabwe ayay xubnaha xisbiga haya talada Zimbabwe kusoo afjareen 37 sano oo uu madaxweyne Robert Mugabe soo hogaaminayay xisbiga ZANU-PF.

Waxa uu hadda wajahayaa in xilka laga qaado.

XS
SM
MD
LG