Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda sare ee Kenya oo ayiday doorashadii Kenyatta


Uhuru Kenyatta

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa sharciyeysay doorashadii bishii October ee madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo ku guuleystay 98% kadib markii mucaaradka ay qaadaceen.

Saddex codsi oo maxkamadda sare la geeyey kuwaasi oo lagu diidanaa doorashadii October ayaa dhammaantood ay maxkmadda ku gacan seertay maanta.

Doorashadaas ayaa waxaa codadkooda ka dhiibtay kaliya 39% dadka gaaraya 19.6 milyan ee qof ee u diiwaan gashan inay codeyn karaan, sida uu sheegay guddiga doorashada Kenya.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo tartanka ka haray ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay qaadacaan codbixinta, waxaana dad dibadbaxayaal ah ay xanibeen goobaha codbixinta ee deegaanada mucaaradka ay ku xoogan yihiin.

Doorashadii October ayaa timid kadib markii maxkamadda sare ee nasakhday codbixintii dhacday bishii August ee sidoo kale Kenyatta uu ku guuleystay ayada oo sheegtay inay qaladaad ka dhaceen.

Waxay ahayd markii ugu horeysay ee maxkamad ku taalla qaaradda Afrika ay nasakhdo natiijo doorasho.

Wariyeheenna Khadar Maxamud Xareed ayaa warbixintan ka soo diray Nairobi.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:38 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG