Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mugabe oo Xilkii Madaxa Xisbiga Laga Qaaday


Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Harare ee caasimadda Zimbabwe ayay xubnaha xisbiga haya talada Zimbabwe kusoo af jareen ku dhawaad 40 sano oo uu madaxweyne Robert Mugabe soo hogaaminayay xisbiga ZANU-PF.

Dhamaan xubnaha xisbiga ayaa isku raacay in madaxweyne ku xigeenka Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa uu yahay hogaamiyaha xisbiga ZANU-PF.
Hogaamiyaha cusub ee maanta loo magacaabay gudoomiyaha xisbiga, Mr. Mnangagwa ayaa loo arkaa inuu noqon doono madaxweynaha dalka Zimbabwe. Dhawaan ayaa waxaa shaqada madaxweyne ku xigeenka ka eryay madaxweynaha uu hadda xaalka ku xunyahay ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe.

Xisbiga ayaa sidoo kale marwada madaxweyne Mugabe, Garace ka qaaday xilkii hogaamiyaha qeybta haweenka ee xisbiga, isla markaana xubinnimadii xisbiga iyada kala noqday.

Chris Mutsvangwa oo ka tirsan Guddiga Dhexe ee ZANU-PF ayaa sheegay inuu sii dhamaanayo wakhtihii wadaxaajoodka ee madaxweyne Mugabe, isla markaana ay u wanaagsantahay inuu xilka ka dago inta ay goori goor tahay.

Waddo kale oo xilka looga qaadi karo madaxweyne Mugabe ayaa ah in baarlamaanka uu ku sameeyo shaqo ka joojin. Afhayeenka baarlamaanka Zimbabwe, Innocen Gonese ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in haddii uusan madaxweyne Mugabe xilka banneyn Talaadada soo socota ay si dhaqso ah u billaabayaan hannaanka ay xilka uga qaadayaan.

Hase yeeshee wiil uu adeer u yahay madaxweyne Mugabe oo lagu magacaabo Patrick Zhuwao, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in adeerkiis iyo xaaskiisa aysan diyaar u aheyn in ay is casilaan, isla markaana ay u dhimanayaan waxa saxda ah.

Zhuwao oo kasoo hadlayay meel aanan la magacaabin oo ku taala South Africa, ayaa sheegay in caafimaadka adeerkiis, madaxweyne Mugabe oo ah 93 jir uu yahay mid hagaagsan, inkastoo uusan si wanaagsan u hurdin tan iyo marki awooda wadanka ay Arbacadi lasoo dhaafay la wareegeen milatarigu.

Sabtidii shalay, kummaan ruux ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Harare. Dadkaan ayaa dalbaday in madaxweyne Mugabe uu xilka ka dago.

Goor danbe oo maanta ah ayaa lagu wadaa in madaxweyne Mugabe uu la kulmo saraakiisha ugu sarreysa millatariga dalkaasi. Lama oga inuu ogolaan doono iyo inuu diidi doono is casilaada ay milatariga iyo shacabkaba ka dalbadeen.

Madaxweyne Mugabe ayaa talada dalka Zimbabwe qabtay sanadkii 1980. Ilaa iyo hadda waa madaxweynaha ugu muddada dheer ee Africa.

Dhageyso xil-ka-qaadista Mugabe
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:19 0:00

XS
SM
MD
LG