Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xariiri oo Lebanon ku noqonaya


Lebanon’s Prime Minister Saad Hariri gives a live TV interview in Riyadh, Saudi Arabia, Sunday Nov. 12, 2017, saying he will return to his country “within days”.
Lebanon’s Prime Minister Saad Hariri gives a live TV interview in Riyadh, Saudi Arabia, Sunday Nov. 12, 2017, saying he will return to his country “within days”.

Ra’isul Wasaaraha Lubnaan Sacad al-Xariiri ayaa sheegay maanta oo Sabti ah inuu dib ugu laaban doono Magaalada Beyruut maalamaha soo socoda.

Xariiri oo ka hadlayay Qasriga Madaxtooyada Faransiiska ee magaalada Paris oo uu ku sugganyahay ayaa sheegay inuu dalkiisa ku laaban doono Arabacada si uu uga qayb galo xuska maalinta madax banaanida Lubnaan.

Waxa uu sheegay in Mowqifkiisa siyaasadeed uu ka hadli doono, ka dib marka uu la kulmo madaxweynaha Lubnaan Mishaal coon.

Madaxweynaha faransiiska ayaa hore u sheegay inuu diyaar u yahay in uu R/wasaaraha lubnaan ka caawiyo xalinta mushkiladaha siyaasadeed ee ka oogan Lubnaan.

Horaantii sanadkan ayey aheyd, markii uu Sacad al-Xariiri uu iska casilay xilka, isagoo ka soo muuqday Telefishinka dalka Sacuudiga, taasoo shaki iyo Qalqal siyaasadeed gelisay Lubnan.

Madaxweynaha Fransiiska Emmanuel Macron ayaa isagoo ku suggan dalka Sweden, Jimcihii shalay sheegay, in Xariiri loogu soo dhaweeyay dalka Faransiiska sida isagoo weli ah Ra’isul Wasaaraha Lubnan, maadaama iscasilaaddiisa aan laga Aqbalin Lubnaan.

XS
SM
MD
LG