Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Shacabka: Dhiibistii Qalbi Dhagax Sharcidarro ayay Ahayd.


Baarlamanka
Baarlamanka

Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta sheegay inay sharcidarro ahayd in dowladda Somalia ay Ethiopia u dhiibto Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka tirsanaa saraakiisha ururka ONLF.

Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa ka dooday kadibna ansixiyay baaritaanka uu soo gudbiyay guddiga loo saaray qadiyadda Qalbi Dhagax, oo sheegay in hab aan sharci ahayn loo maray gudbintii Qalbi Dhagax, isla markaana aan laga tixgelin hay'addaha garsoorka.

Guddigu wuxuu kaloo sheegay in hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugiddu ay kaligeed maareysay gudbintii Qalbi-Dhagax, iyadoo hay'addu aanay madaxda sare siin xog rasmi ah.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ururka ONLF aanu ahayn urur argagixiso maadaama aanu ku jirin liiska argagixisada caalamka.

Ururka ONLF ayaa soo dhaweeyay go'aanka uu golaha shacabku maanta ka soo saaray kiiska Qalbi Dhagax. Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge ayaa VOA u sheegay inay ku faraxsan yihiin talaabada uu baarlamaanku qaaday.

Dhageyso warbixinta guddiga iyo waliba wareysiga Hirmooge.

Dhegayso: Warbixin iyo Waraysi ku saabsan arrinta Qali Dhagax
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:20 0:00

XS
SM
MD
LG