Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga Waddani oo Joojiyay la shaqeyntoodii guddiga doorashada


Guddida doorashada Somaliland ayaa maanta ka hadlay halka ay marayso tirinta codadka doorashada madaxtooyada ee qabsoontay Isniintii la soo dhaafay.

Afhayeenka guddidaas Siciid Cali Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay jirin sanaaduuq la joojiyay amma la kansalay codadkooda, waxaanu ka jawaabay goorta laga filan karo natiijada doorashada.

Dhanka kale, xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta sheegay inay hakiyeen la shaqaynta guddida doorashada inta lagu gudo-jiro tirinta codadka ee haatan socota.

Wakiillada xisbiga Waddani u qaabilsan xarunta guddida doorashada ayaa sheegay inay tallaabadan u qaadayaan ka dib markii guddida doorashadu uu iska indho tiray cabashooyin la xidhiidha, waraaqo aan sax ahayn oo lagu codeeyey oo laga dhex helay sanaaduuqda codbixinta.

Cismaan Afgaab, oo ah guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Waddani kana mida wakiillada Xisbiga Waddani u qaabilsan guddida doorashada ee Somaliland ayaa la hadlay Ismaaciil Xuseen Farjar, ugu horrayn wuxuu ka jawaabayaa go'aanka ay qaateen:

Halkan hoose ka dhageyso warbixinno ay soo direen wariyayaasha VOA ee Hargeysa.

Dhageyso War ku saabsan doorashada Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:18:58 0:00

XS
SM
MD
LG