Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afganbi ka socda Dalka Zimbabwe


Zimbabwi
Zimbabwi

Dhaqdhaqaaq ciidamada xoogga ee dalka Zimbabwe ay wadaan ayaa loo maleynayaa in uu ku saleysanyahay inqilaab xukumada madaxweyne Robert Mugabi lagu fulinayo. Uguyaraan saddex qarax ayaa ka dhacay magaalo madaxda dalkaasi ee Harare aroornimadi maanta, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dadkan oo caasimada ku sugan ayaa intaas ku darey in ay arkayeen gaadiidka ciidanka xoogga oo wadooyinka waaweyn ee caasimada wareegaya, saacdo un ka dib markii ay xaley la wareegeen warbaahinta dowladda ee ZBC. Dadweynaha ayaa sheegay in warkii xaley ee 11-ka habeenimo uu baaqdey, halkiisina lagu badaley madadaalo heeso u badan.

Talaadadi ayey dowlada Zimbabwe qiyaano qaran ku eedeysay taliyaha ciidamada xooga, ka dib markii sida ay sheegeen uu ku goodiyey in uu farogalin ku sameeyey siyaasada dalka. Warbixin uu soo saarey xisbiga talada hayo ee ZANU-PF ayaa Talaadadii lagu sheegay in ay ka walwalsanyihiin in ay ciidamadu wadaan afganbi.

Hasa ahaatee, sida aanu ka soo xiganay laanta Zimbabwe ee VOA-da, taliye ku xigeenka ciidanka oo ka hadley warbaahinta dowlada ayaa dadweynaha reer Zimbabwi u sheegey in ay isdajiyaan, waxaanu uu yiri; wax afganbi ah kama jiro dalka. Jeneraal Sibusiso Moyo, oo ah taliye ku xigeenka ciidanka ayaa sida oo kale shaaciyey in uu Madaxweyna Robert Mugabi nabad qabo.

XS
SM
MD
LG