Isku xirrada

Midowga Yurub oo ka hadlay doorashada Somaliland


Veronique Lorenzo

Saddexdii maalmood ee u dambeeyay waxaa magaalada Hargeysa socdaal ku joogay wefti ka kooban ilaa 15 safiir oo ka kala socda dalalka Yurub, kuwaas oo u yimi doorashada madaxtooyada Somaliland ee shalay halkaasi ka qabsoontay.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Veronique Lorenzo oo weftigaasi hoggaaminaysay, ayaa weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye oo waraysi la yeeshay intii aanay maanta ka amba-bixin Hargeysa, waxay sheegtay in dalalkani u arkaan doorashada Somaliland tallaabo hore loo qaaday.

Waraysigaas oo dhinacyo kala duwan ka hadlaya, waxa warbixintan inooga diyaariyay isla Barkhad oo Hargeysa ka soo diray.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG