Isku xirrada

Ololaha doorashada Somaliland oo soo dhammaaday


Taageerayaasha Waddani

Waxaa maanta soo gebageboobay ololaha doorashada madaxtinimada ee Somaliland, kaas oo soo socday 21-kii maalmood ee ugu dambeeyey.

Waxaana haatan socda diyaar garawgii ugu dambeeyey ee doorashada madaxtinimada ee la filayo inay Somaliland ka qabsoonto maalinta Isniinta.

Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland ayaa fasaxday dhammaan ardayda dugsiyada kala duwan dhigata iyo weliba ardayda Jaamacadaha, si ay uga qaybgalaan doorashada.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa waraystay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland Axmed Abokor Maxamed.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG