Isku xirrada

Xisbiga Dimoqraadiga oo xalay guulo gaaray


VIRGINIA ELECTION

Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka, ayaa guul ka gaaray doorashooyinkii xalay ka dhacay qaar ka mid ah gobollada Mareykanka.

Ralph Northam oo Dimoqraadi ah ayaa si adag ugu guuleystay loolankii barasaabka gobolka Virginia, isaga oo ka adkaaday Ed Gillespie oo Jamhuuri ah, si uu u beddelo barasaabka xilka ka degaya ee isna Dimoqraadiga ah Terry McAuliffe.

Guusha Northam ayaa hoggaamisay in Dimoqraadiga sidoo kale ay ku guuleystaan tartankii ku xigeenka barasaabka, xeer iaaliyaha guud iyo doorashooyinkii hoose ee gobolka Virginia.

Gobolka New Jersey, Phil Murphy oo isna Dimoqraadi ah ayaa loo doortay barasabaaka gobolka, isaga oo ka adkaaday ku xigeenkii hore ee bararsaabka gobolkaas Kim Guadagno, wuxuuna beddeli doona Chris Christie oo sanadii 2016 u loolamay magacaabista madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga.

Murphy ayaa ahaan jiray safiirkii Mareykanka ee Jarmalka, xilligii madaxweyne Obama.

Guulaha Dimoqraadiga ee Virginia iyo New Jersey ayaa la rumeysan yahay inay dhiiri-gelin doonaan taageerayaasha xisbiga ka hor doorashooyinka dhexe ee ka dhici doona gobollada Mareykanka sanadda 2018.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG