Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo 4 qof ku toogtay Bu'aale


Shabaab

Ururka Al-Shabab ayaa maanta sheegay inay afar nin ku toogteen magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya inay Al-Shabab raggaasi ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen. Afarta qof ee la toogtay ayaa la sheegay in saddex ka mid ah ay ka tirsanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab halka mid kalena uu ahaa shacab.

Eedaha ay Al-Shabaab usoo jeediyeen raggaasi ayaan si madaxbannaan loo xaqiijin maadaama maxkamadaha Al-Shabaab aysan ahayn kuwo u furan dadweynaha.

Al-Shabaab ayaa deegaannada ay gacanta ku hayaan ka fuliya xukunno iskugu jira dil, xabsi iyo jirdil kuwaasi oo ay cambaareeyeen hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG