Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Patrice Evra oo 7 Kulan la Ganaaxay


Ciyaaryahanka Marseille Patrice Evra ayaa laga saaray ciyaartii kooxdiisa ay dheeli laheyd koobka Europa League, taa soo sidoo kale kooxdiisa ay guul daro la soo deristay.

Evra ayaa looga saarey kulankaasi in uu safto kadib markii uu madaxa ka laaday mid ka mid ah taageerayaashii ka soo horjeedey.

Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya 36 sana jirkan Faransiiska u dhashay isagoo madaxa ka haraatinaya taageere, intii lagu guda jirey is kululeynta ka hor ciyaarta.

Eufa ayaa ku heshay dambiyadaasi ciyaaryahankii hore ee Manchester United,w axana ay sheegeen inay ganaaxeen illaa iyo 7 kulan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG