Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Gaari Dad Ku Jiirsiiyay New York


Gaarigi dadka lagu jiiray oo yaalla Manhattan
Gaarigi dadka lagu jiiray oo yaalla Manhattan

Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, kadib marki uu nin waday gaari kuwa xamuulka ah uu jiirsiiyay dad ku dhax socday waddo aad mashquul u ah oo ku taalla magaalada New York ee dalkaan Mareykanka.

Duqa magaalada New York Bill de Blasio, ayaa ku tilmaamay weerarkani ficil argagixiso oo lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo aanan waxba galabsan.

Gudoomiyaha gobolka New York Andrew Cuomo oo isna ka hadlay dhacdadani ayaa sheegay in aysan jirin daliil muujineysa in weerarkani uu qeyb ka yahay weerarro ballaaran oo dalka oo dhan ah.

Booliska ayaa sheegay in ninka baabuurka dadka ku dardarsiiyay New York uu ku qeylinayay “Allahu Akbar” marki uu kasoo dagayay baabuurka.

Taliyaha ciidanka booliska New York James O’Neill ayaa xaqiijiyay in qofka weerarka geystay caloosha laga dhaawacay isla markaana lagu daweynayo hadda isbitaal ku yaalla New Yorok. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in qofka weerarka geystay uu ahaa Sayfullo Saipov oo ah 29 jir u dhashay dalka Uzbekistan.

XS
SM
MD
LG