Isku xirrada

Kenyatta oo La Sheegey inuu Ku Guuleystay Doorashada Kenya


Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chebukati, ayaa ku dhowaaqay in madaxweynaha Kenya ee xilligan talada haya ee Uhuru Kenya uu ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee Khamiistii aynu soo dhaafnay ka dhacday waddankaasi.

Chebukati oo xarunta doorashada ka akhriyey natiijooyinka doorashada ayaa sheegay in madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen loo doortay Uhuru Keyatta iyo William Ruto, ayna heleen in ka badan 98% codadka la dhiibtay.

Chebukati waxa uu difaacay qaabka ay doorashadu u dhacday, isagoo sheegay inay ahayd mid ku dhacday si xor iyo caddaalad ah.

Xarunta looga dhowaaqo doorashada ee Bomas waxaa ku sugan weriyahayaga Khadar Maxamuud Xareed. Caasha Ibraahim Aadan ayuu uga warramaysida loogu dhowaaqay doorashada.

Haddaba guushan Uhuru Kenyatta mar kale uu ku guulaystay doorashada lagu murmay, balse ku celiska ah maxay uga dhigan tahay Kenya?

Sidoo kale, Kenyatta ma awooda inuu isku keeno dhinacyada siyaasadda si uu u hoggaamiyo waddan midaysan?

Maxamed Cabdi Sandheere ayaa arrimahan la faaqiday Cabdiwahaab Sheekh Cabdi Samad oo ka faallooda arrimaha geeska Afrika.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG