Isku xirrada

Barcelona oo Raadineysa Coutinho iyo Koulibaly


Kalidou Koulibalyde

Kooxda Barcelona ee dalka Spain ayaa lagu wadaa in ay dalab u dirto Napoli si ay uga iibsato daafaceeda birta ah ee Kalidou Koulibaly.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain, Barca ayaa ku bixin doonta keenista laacibkaan u dhashay dalka Sengegal lacago farabadan, hase yeeshee Napoli ayaa ku fara adeegi doonta haddii ay kusii adkeysato hogaanka horyaalka ilaa bisha Janaayo.

Koulibaly ayaa ku qiimeysan €50m. Daafacan ayaa waxaa sidoo kale daneynaya kooxo ka dhisan Yurub. Heshiiska uu kula joogo Napoli ayaa dhamaan doona sanadka 2021.

Dhinaca kalana, Barcelona ayaa mar kale isku dayi doonto saxiixa laacibka Liverpool iyo xulka Brazil Phillipe Countinho. Xagaagi lasoo dhaafay ayay Barcelona ku hungowday helitaanka xidigan kadib marki ay Liverpool ku gacan seyrtay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG