Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Kenya oo u dareeray goobaha cod bixinta


Dadka reer Kenya ayaa maanta soo dooran doono madaxweyne cusub, xilli laga cabsi qabo in rabshado ay ka dhashaan natiijada kasoo bixi doonto doorashadan oo uu muran badani ka jiro.

Maxkamada Sare ee dalka Kenya ayaa ku guuldarreysatay shalay in ay dhageysato dacwad ay soo gudbiyeen mucaaradka, taasoo ay ku dalbadeen in dib loo dhigo doorashada.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, oo horraantii bishaan isaga baxay tartanka doorashada ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay qaaddacaan doorasahada maanta.

Faah-faahinta warkaan kala soco bogeena iyo waliba idaacadaheena soo socda ee VOA.

XS
SM
MD
LG