Isku xirrada

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Kenya


Maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku guuldarraysatay inay dhagaysato dacwad ay soo gudbiyeen saddex muwaadin oo codsanaysay in dib loo dhigo doorashada madaxweynennimo ee ku celiska ah ee lagu wado inay waddankaasi ka dhacdo maalinta berrito ah.

Xaakimka sare ee maxkamadda sare David Maraga ayaa arrintaasi ku sababeeyey inay soo xaadiri waayeen tiro ku filan oo ah garsoorayaasha maxkamnadda si dhagaysigu u furmo.

Dhinaca kalena mid kamid ah musharixiinta madaxweynenimo ee dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay malinta berrito ah doorashadu u dhici doonto, waxuuna sheegay in dalka Kenya uu dhabo xasaasi ah lugta saray.

Maxamed Dida oo ka soo jeeda deegaanka Wajir kana mid ah sideedda musharax ee berrito doorashada ka qayb gali doono ayaa muujiyey inuusan ka rajo qabin in doorasho caddaalad ah ay dhacdo.

Weriyahayaga Maxamed Faarax Shire ayuu ugu warramay khadka telefoonka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG