Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenyatta: Doorashada waxay dhaceysaa khamiista


Madaxweyne Uhuru Kenyatta
Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan baaqan doonin doorashada madaxtinimada ee lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo Khamiista, haddii mucaaradku diidaan iyo haddii kalaba.

Isaga oo magaalada Nairobi kula hadlayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa, ayuu Uhuru sheegay in doorashadu u qabsoomi doonto sidi loogu tala galay, waxuu ka codsaday taageerayaashiisa in ay six oog leh ugu codeeyaan.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ka laabtay musharaxnimadiisa, kadib marki uu sheegay inuusan ku qanacsaneyn hannaanka doorashada.

Dadka lafagura siyaasadda ayaa ka digaya cawaaqib ka dhalan kara doorashadani haddii aysan ka qeybgalin mucaaradka iyo haddii aysan u dhicin si xalaal ah.

XS
SM
MD
LG