Isku xirrada

Ronaldo oo Loo Magacaabay Xidiga Aduunka 


Cristiano Ronaldo

Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaalmarinta Fifa ee laacibka ugu fiican kubada cakta aduunnka sanadkaan 2017.

Xaflad ka dhacday magaalada London, ayuu Ronaldo kaga guuleystay abaalmarintan xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi iyo laacibka naadiga Paris St-Germain Neymar.

Dhinaca hablaha, waxaa laacibadda ugu wanaagsan loo doortay Lieke Martens oo u ciyaarta xulka gabdhaha ee dalka Holland.

Tababaraha ugu wanaagsan ayaa waxaa loo magacaabay macalinka Real Madrid Zinedine Zidane, halka dhinaca dumarka ay macalinka ugu fiican noqotay tababaraha xulka gabdhaha dalka Holland Sarina Wiegman.

Gianluigi Buffon oo ah gool-ilaaliyaha kooxda Juventus ayaa helay abaalmarinta goolhayaha ugu fiican caalamka.

Goolkigu qurxanaa ayaa waxaa la siiyay gool uu dhaliyay weeraryahanka kooxda Arsenal Olivier Giroud.


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG