Isku xirrada

Kooxdxa Everton ee dalka Ingiriiska ayaa shaqada ka eriday tababarihii naadiga Ronald Koeman, kadib marki ay kooxda lasoo dirstay guuldarrooyin is-daba joog ahaa.

Shaqo ka ceyrinta Koeman ayaa soo dagdagtay kadib marki ay Everton Axadii lasoo dhaafay jab weyn kala kulantay ciyaarti ay la dheeshay Arsenal. Kulankaasi ayaa waxaa 5-2 ku adkaatay Arsenal.

Everton waxay hadda ku jirtaa kaalinta 18-aad ee horyaalka. Inkasta oo ay qalalaasahani ku jirto, haddana Everton waxay xagaagi hore suuqa kala iibsiga ku khaj-gareysay in ka badan boqol iyo afar milyan oo ganiga isterliinka ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG