Isku xirrada

War Deg-Deg ah

'Daacish oo 128 shacab ah ku dishay Qaryateyn'


Koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha dalka Syria ayaa sheegtay in mintidiinta kooxda Daacish ay 128 qof ku dileen magaalada Qaryateyn ka hor inta aysan ciidamada dowladda la wareegin magaaladaas.

Ciidamada dowladda Syria iyo isbaheysiga maleeshiyada ayaa sabtidii dib u qabsaday magaalada Qaryateyn oo ka tirsan gobolka Homs. Kooxda Daacish ayaa magaalada haysatay saddex toddobaad.

Kooxda kormeerka xuquuqda aadanaha Syria ayaa sheegtay inay diiwaan gelisay dilalkan ay gaysatay kooxda Daacish, waxayna sheegtay in Daacish ay dadka ay dishay ku eedeysay inay la shaqeeyaan dowladda madaxweyne Assad.

Kooxdan ayaa sheegtay in inta badan dilalkan ay dhaceen maalmihii ugu dambeeyey ka hor inta aysan ciidamada dowladda Syria gelin magaalada.

XS
SM
MD
LG