Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dalka Sacuudiga iyo Ciraaq oo kulmaya


 Boqor Salman
Boqor Salman

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa maanta lagu wadaa inuu tago bariga dhexe, si uu uga qeybgalo kulan magaalada Riyad ku dhexmari doona Sacuudiga iyo Ciraaq.

Tillerson ayaa dowr ka ciyaari doona qaabeynta xiriirka labadan dal ee deriska ah. Kulanka ayaa ujeedkiisu yahay sidii Iraq loogu qancin lahaa in ay xulafo dhaw la noqoto Sacuudiga, halka ay hadda rafiiq kala tahay Iran.

Heather Nauert oo ah afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Iran ay marwalba walaac weyn ku heyso Mareykanka, sidaasi si la mid ahna ay dalalka gobolka Bariga Dhexe ay ka walaacsanyihiin Iran.

Shirka Sacuudiga iyo Ciraq uga furmayo magaalada Riyad ayaa imanaya afar bilood kadib marki ay labadani dal kala saxiixdeen heshiis ay ku aas-aaseen gole ka shaqeyn doona wanaajinta xiriirka labada dal, si loo yareeyo saameynta ay Iran ku leedahay gobolka.

XS
SM
MD
LG