Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee Loo Kala Badiyay Tartanka Europa League


Arsenal
Arsenal

Waxaa xalay dhacay kulamo xiisa leh oo ka tirsan koobka Europa Leage oo ah tartanka labaad ee ugu xiisaha badan Qaarada Yurub.

Kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska ayaa sii wadata guulaha ay ka gaareyso tartankan kadib marki ay xalay badisay kulankedii sadexaad oo xiriir ah oo ka tirsna koobka Europa League. Waxay 1-0 uga adkaatay Khamiistii kooxda Crvena Zvezda ee dalkaSerbia.

Goolka kaliyah ee ay Arsenal ku badisay waxaa u dhaliyay Olivier Giroud. Guushaasi ayaa uga dhigan in ay Group-ka H ku horkaceyso 9 dhibcood. Waxay shan buundo ka sarreysaa kooxda kusoo xigta ee BATE Borisov oo iyaduna 1-0 uga badisay kooxda Cologne ee dalka Jarmalka.

Kooxaha guulaha waaweyn kasoo hooyaya ciyaarihi xalay ee Yurub, waxaa ka mid ah kooxda Real Sociedadee dalka Spain oo 6-0 ku xaaqday naadiga Vardar Skopje ee dalka Mecedonia. 4 ka mid ah goolasha waxaa saxiixay ciyaaryahan Willian Jose.

Zenit St. Petersburg oo ay Real Sociedad iskula jiraan Group L waxay 3 - 1 ku martay kooxda khaarijisay kooxda Rosenborg.Kooxda Atalanta ee dalka Talyaaniga ayaa 3- Atalanta 3 - 1 Apollon Limassol ee dalka Quburus. Lyon waxay culeyska kusii badisay tababaraha uu xaalka ku xunyahay ee kooxda Everton Ronald Koeman kadib marki ay kusoo garaaceen 2-1.

Kaliyah tababaraha Everton oo kaliyah culeyska ma saarneyn xalay, ee sidoo kale wuxuu kursiga la liic liicayaa macalinka kooxda AC Milan, Vincenco Montella oo kooxda uu hogaamiyo xalay bar baro goolal la,aan ah kala kulantay naadiga EAK Athenes ee dalka Giriiga. Ciyaarta oo ka dhacaysa magaalada Milano ayaa ayaa aheyd tii afraad oo xiriir ah oo ay Milan ku dhaceyso in ay badiso. Taageerayaasha ayaana ku orriyay ciyaartooyda macalin Montella.

Inkasta oo aysan Milan guul keenin, haddana iyada ayaa 7 dhibcood ku hagaamineysa Group-ka D. Isla Group-kan, kooxda Austria Wien ee dalka Austria waxay 3-1 ku khasaartay naadiga Rijeka ee dalka Cratia.

Ciyaaraha kalana Lazio waxay 3-1 kusoo garaacday Nice.Natiijadaasi mid la mid ah waxaa Turkiga kala soo laabatay kooxda Hoffenheim ee dalka Jarmalka oo 3 – 1 kusoo dubatay Istanbul Basaksehir.


XS
SM
MD
LG