Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka billowday dib u dhis lagu sameynayo laamiga isgoyska Zoobe oo qaraxii dhowaan ka dhacay uu burburiyey.
Isgoyskaas ayaa waxaa 14-kii bishan ka dhacay qarax galaaftay nolosha dad ku dhow saddex boqol oo qof, islamarkaana dhaawacay ku dhowaad 400 qof.
Goobta uu dhismaha ka socda ayaa waxaa booqday gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo xubno ka socday Midowga Yururb, oo halkaa ka sheegay in gurmadka ay ugu deeqeen 100 kun oo Euro.
Wariyeheenna Seynab Abuukar ayaa warbixin ay ku eegeyso arrintan Muqdisho nooga soo dirtay.
Facebook Forum