Isku xirrada

Soomaaliya: Banaanbaxyo Ka Dhan ah Shahaab oo Meelo Badan Ka Dhacay


Magaalada Muqdishu iyo magaalooyin kale oo waddanka ahba waxaa maanta ka dhacay bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo kooxda al-Shabaab iyo qaraxii weynaa ee maalintii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen ilaa 300 qof sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka boqollaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Dad bannanbaxaya ayaa ku dhowaaqayey hadallo ay ka mid yihiin “nabad-diid dooni mayno” iyo ereyao kale.

Sahra Ciidle Nuur ayaa khadka telefoonka ee Muqdishu kula xidhiidhay weriye Munasar Maxamed oo ku sugan garoonka Koonis oo ah halka ay iskugu imaadeen dadka bannaanbaxayay.

Sidoo kale, meelo kale oo ka mid ah gobollada dhexe ayay bannaanbaxyo ka dhaceen, sida uu ku soo waramayo wariyaha VOA ee Baladweyne, Xuseen Xasan Dhaqane.

Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale waxa ka dhacay bannaanbaxyo waaweyn, oo isla dhacdadii Soobbe looga soo horjeed. Mukhtaar Catoosh ayaa Baydhabo ka soo direy warbixinta.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG