Isku xirrada

Ciyaar xiisa laheyd oo caawa dhex martay kooxaha Leicester City iyo West Bromwich Albion ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1.

Waxay aheyd ciyaar ay Leicester ku rabtay inay kusoo xareysato saddex dhibcood, balse waxay dantu ku qasabtay inay yaa alla yaa nafta goolki bareejada ku hesho.

Goolka bar bardhaca waxaa siiyay ciyaaryahan Riyad Mahrez oo dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee uu Leicester u dhaliyo xilli ciyaareedkan. West Bromwich waxaa goolka u dhaliyay ciyaaryahan Nacer Chadli.
Ciyaarihi kale ee todobaadkan ka dhacay horyaalka Ingiriiska waxay kooxuhu u kala badiyeen sidan:

Burnley 1 - 1 West Ham United
Crystal Palace 2 - 1 Chelsea
Manchester City 7 - 2 Stoke City
Swansea City 2 - 0 Huddersfield Town
Tottenham Hotspur 1 - 0 AFC Bournemouth
Watford 2 - 1 Arsenal.

Horyaalka Ingriiska waxaa si xaraga leh u horkaceysa kooxda Manchester City leh 22 dhibcood, Waxaa ku xigta kooxda ay mataanaha yihiin ee Manchester United oo leh 22 buundo. Kaalinta sadexaad waxaa degan Tottenham oo leh 17 dhibcood.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG