Isku xirrada

Dadkii ku dhintey qaraxii Muqdisho oo gaarey 276 qof


Warsaxaafadeed ay soo saartey wasaarada warfaafinta ayaa lagu sheegey in ay korortey tirada dadka ku dhintey qaraxii ka dhacay Zope, magaalada Muqdisho.

Tirada dhimashada ayaa la sheegey in ay gaartey 276. Tirada dhaawacyada ayaa lagu sheegey 300 oo qof kuwaasoo la kala geeyey cusbitaalada magaalada.

Maydadka 111 qof oo ka mida 276 qof ee dhimatey ayaa warbixintan lagu sheegey in ay qoysaskooda aaseen halka 165 qofna ay dowlada federaalka iyo dowlada hoose ee Xamar ay iska kaashadeen.

Dowladda ayaa sheegtay in laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay inta kasii badato ayada oo weli meydad laga soo saarayo burburka dhismooyinka, islamarkaana ay jiraan dad weli la la'yahay.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdisho ka dhacay 14-kii October ayaa maanta loo qaaday dalka Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay dadkan oo gaarayey illaa 34 qof kuwaa soo qabay dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October .

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG