Isku xirrada

Laacib 16-jir ah oo Laga Yaabanyahay 


Seria A

Xilli ciyaareedkan, horyaalka Talyaaniga ee Seria A-da waxaa aad looga hadal hayaa laacib 16 sano jir ah oo u ciyaara kooxda Genoa, kaasoo lagu magacaabo Pietro Pellegri.

Pallegri ayaa ka ciyaara weerarka, waxana uu indhaha caalamka soo jiitay bishi hore kadib marki uu kooxda Lazio ka dhaliyay laba gool, waxyar kadib marki uu baddal kusoo galay.

Wuxuu ahaa goolkiisii sadexaad ee uu ka dhalinayo horyaalka Talyaaniga, dhamaadki xilli ciyaareedki hore ayuu gool ka dhaliyay kooxda Roma.

Wakiilka Pallegri ninka lagu magacaabo Giuseppe Riso ayaa xidigan muluqa ah ku sifeeyay Zlatan Ibrahimovic oo yar.

Ilaa iyo iminka waxaa aad ugu raad joogta kooxda AC Milan oo xiriir wanaagsani uu kala dhaxeeyo naadiga Genoa. Waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa kooxaha Manchester United, Liverpool, Chelsea, Inter, Juventus, Roma iyo Real Madrid.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG